Hudheelka waxa la dhisay horraantii 1990kii. Waxa uu ku yaalaa galbeedka magaalada Hargeisa ee dalka Soomaliland, meel aan qaylo buuq iyo hoon baabuur midna lahayn oo si fiican aad ugu nasankarto. Makhsinada la seexdo midwaliba wuxuu gudaha kuleeyahay bath iyo shower labadaba. Qolalka qaarkoodna waxa gudaha ay kuleeyihiin fadhigii iyo miiskii cuntada. Waxa kale oo makhsin kastaba yaala televisionkii oo satellitekii ku xidhanyahay, telephonekii, quraacdii oo qiimaha kuugu jirta iyo soodhowayn dheeraad ah.
Parkingka iyo Mundulada
Hudheelku wuxuu ku fadhiyaa dhul aad u weyn, wuxuu leeyahay parking ballaadhan oo aanad marnaba gaadhigaaga ka werweraynin iyo mundullo aad la fadhiisato cidii ku soo booqata.
Gaadhi kiro ah.
Haddii aad gaadhi u baahantahay waxa aanu kuu fududaynaynaa sidii aad u soo kiraysan lahayd iyadoo hudheelka laguugu keenaayo. Haddii aad doontona air port ka laagaaga soo qaadi doono.